DAAWO MUUQAAL: Madaxda Dowlada Soomaaliya oo mar kale isugu soo laaban doona Kismaayo si Heshiis loo gaaro+Madaxweyne Jubbaland oo sheegay

0

Madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam oo ka hadlay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Jubbaland, ayaa sheegay in go’aanka kama dambeysta ah lagu gaari doono Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadatashiyada ay socon doonaan balse go’aanka kama dambeysta ah la iskugu imaan doono Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay maalmihii 10-14 ka Janaayo 2016, shirka madasha wadatshiga oo aan heshiis rasmi ah lagu gaaarin.

Wadatashiyada aayaha dalka ayaa rajo badan laga muujinayaa, waxaana soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamka ay ka qayb qaadan doonaan kulamadaasi.