Aqri Xogo ku saabsan Weerarkii Ceel Cadde, Xogta ilaa iyo hada la haayo iyo Xogaha aan la heyn Maxaase soo bixi kara ?

0

Dagaalyahano aad ubadan oo katirsan Alshabaab ayaa subaxnimadii hore ee Jumcihii la soo dhaafay weerar aad looga soo shaqeeyay la beegsaday saldhigii ciidanka KDF ee magaalada Ceelcade ee gobolka Gedo.Xoghayaha Difaaca Kenya haweynayda la yidhaahdo Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidanka KDF General Samson Mwathethe oo meydadkii,dhaawicii iyo askar kale oo la soo badbaadiyay ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Wilson airport ayaa sheegay in ciidanka KDF hada ku mashquulsan yahay soo badbaadinta askartii ka badbaaday weerarka marka xog buuxda la helana shacabka Kenya warbixinta lala wadaagi doono.Madaxweynaha Kenya oo isna hadlay ayaa sheegay in weerarkan uusan ka hor istaagi doonin hawlihii ay ka hayeen Somalia wuxuuna ku goodiyay in Alshabaab ka shalayn doonto weerarkii Ceelcade.Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in weerarkii Ceelcade sababay khasaarihii ugu cuslaa ee soo gaadha ciidanka KDF tan iyo mudadii la aasaasay.Hadaba maxaa la ogyahay maxaase la ogayn?

Xogta ilaa iyo hada lahayo

In ciidamo aad ufarabadan oo Alshabaab ah weerarka ka qayb qaateen

In xerada ay dhinacyo kala duwan kasoo weerareen

In baabuurkii qaraxa loo isticmaalay gudaha ugalay xerada iskuna qarxiyay taliskii ciidanka.

In baabuurka qaraxa loo isticmaalay uu ahaa baabuur ciidamada AMISOM horay looga qabsaday oo ah nooca aysan xabadu karin

In ciidamo badan ku dhinteen qaraxyadii ugu horeeyay

In 4 dhaawac ah, 8 meyd ah iyo 16 askari la gaadhsiiyay Nairobi

In Alshabaab baahiyeen codadka 2 askari oo ay ku sheegeen inay yihiin askartii lagu soo qabtay Ceelcade.

In ciidan tiro ahaan dhan urur xerada deganaayeen(80-250) askari

In ciidan KDF ah ay dib ula wareegeen xeradii Ceelcade

Xogta aan wali lahaynin

Tirada ciidanka KDF kaga dhimatay weerarkan

Tirada Alshabaab kaga dhimatay weerarkan

Tirada saxda ah ee ugacan gashay Alshabaab

Tirada hubka iyo gawaadhida dagaal ee Alshabaab xerada ka qaateen