TOP NEWS:- Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Beydhabo.

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gaaray Magaalada Beydhabo halkaas oo ay ka socoto Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Koofur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

Madaxweynaha waxaa la socda xubno wasiirro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maareeye, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafladda lagu caleema saarayo Guddoomiyaha Barlamaanka Koofur Galbeed  Cabduqaadir Shariif Shiiqunaa Maye iyo kuxi-geenkiisa ayaa si heer sare ah uga socota magaaalaada Beydhabo.

Sidoo kale halkaa waxaa gaaray Maanta Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.