TOP NEWS:- Shariif Xasan oo Cadeeyey Go’aankiisa kama dambeysta ah ee Nidaamka 4.5 iyo doorashada 2016

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlaayay Xaflada Caleemo saarka ee Maanta ka dhacday Magaalada Beydhabo ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay mar waliba taageersan yihiin in wax lagu qaybsado Nidaamka 4.5.

Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in ilaa dadka Somaliyed laga soo tiriyo oo lagu sameeyo tirakoob rasmi ah, ay doonayaan in wax lagu qaybsado Hanaanka 4.5 oo Somalida inta badan xilalka Siyaasadeed ay ku qaybsadaan.

Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo nabadda jecel, ilaaliya wada deganaanshiyaha iyo is dhexgalka bulshada, sidaa darteedna ay doonayaan in illaa Soomaalida oo dhan laga tiriyo wax lagu qeybsado nidaamka beelaha si aysan u dhicin dad la qadiyo ama laga tago waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka Koonfur Galbeed waa kuwo jecel nabadda, is dhexgalka, wada deganaanshiyaha iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, hadaba annaga waxaan taageersannahay in illaa Soomaalida laga tiranayo aan laga gudbin nidaamka 4.5” ayuu yiri Shariif Xasan .

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa ku kala aragti duwan hanaanka lagu saleyn doono Doorashada la filaayo in dalka Somaliya ka dhacda sanadkan.