TOP NEWS:-Beesha Caalamka oo War Deg Deg ah kasoo saartay Shirweynihii magaalada Kismaayo

0

Beesha caalamka ayaa sheegtay iney rajeyneyso in Madaxda Soomaalida ay si deg deg ah isugu raacaan isla markaana ay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadkan.

Bayaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in Shirkii magaalada Kismaayo uu ahaa hormar ay sameeyeen madaxda DF iyo kuwa maamul goboleed-yada ayna sugayaan in shirarka ay sii socdaan.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa rumeysan in Soomaaliya ay ka hirgali doonto doorasho shacab inta udhaxeysa 2016-ka ilaa 2020-ka.

Midowga Afrika, QM, midowga Yurub, Ingiriiska, Sweden iyo Italy ayaa sheegay iney filayaan in madaxda Dowlada iyo kuwa maamulada ay kulan kale yeelan doonaan.

Hadalka beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili madaxda DF yo kuwa maamul goboleed-yada ay ku guul dareysteen iney ku heshiiyaan shirkii Kismaayo.