TOP:- Guuleed iyo Fartaag oo hadalo Xasaasi ah ka sheegay Xafladi ka dhacday Beydhabo

0

Madaxweynaha Mamaulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubba C/Qaadir Sh. Cismaaciil  Fartaag oo ka hadlayay Madasha lagu caleymo saaraayay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ay si siman u sheegeen in uusan fashilmin Shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Madaxda Soomaaliya u dhaxeeyay.

C/qaadir Sh.Cismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Shirka Kismaayo ay warbaahinta a been sheegtay,shirkaasina uu leeyahay wajiyo kale islamarkaana aanay sax ahayn in uu fashilmay Shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aragtida Shirka Kismaayo sida ay warbaahinta u baahisay uusan ahayn Shirkana ay ka soo baxday is afgarad ay gaareen dhinacyada Soomaalida ee ku shirayay.

Labada Masuul ayaa ugu baaqay Koofur Galbeed in ay xalliyaan tabashada Beelaha Soomaaliyeed ee deggan Koofur Galbeed ,kuwaas oo cabasho badan ka muujiyay habka loo qeybsaday Maamulka Koofur Galbeed.

Guuleed iyo fartaag