TOP NEWS: Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buula-barde oo dib loo furay muddo 25 sano ka dib

0

Magaalda Buula-barde ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaaa gaaray Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo ka baxay Maagaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta halkaas tagay waxaa kamida Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Wasiirka Caafimadka, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti iyo Saraakiil Ciidan, waxaana horey u joogay Buula-barde Masuuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed

Ujeedka ay halkaas u gaareen ayaa ah in dib loo-furo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buula-Barde oo mudo 25 sano ah kadib Maanta Diyaarad ka dagatay.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Buula-barde dib u dhis ku sameysay Dowlada Jabuuti iyada oo Ciidamo ka socda Jabuuti ay ku sugan yihiin Dagmada Buula-barde.

Garoonka ayaa Maanta xariga laga jarayaa waxaana ka dagtay Diyaaradii ugu horeysay Maanta taas oo waday Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya oo ugu horeeyo Wasiirka Amniga C/Risaaq Cumar Maxamed.

Dhawaan ayaa wareegto kasoo Baxday Xafiiska  Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya  Xasan Sh Maxamuud waxaa Magaalo Madax laga dhigay Buula-barde taas oo u noqoneysa Maamulka loo dhisayo Sh Dhexe iyo Hiiraan oo hada howshiisa ka socoto Magaalda Jowhar.