TOP DHAGEYSO : Shirka Kismaayo oo Maanta furmaya iyo Amniga oo aad loo adkeeyay

0

Amniga Guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Saaka ah mid aad loo adkeeyay waxaa inta badan wadooyinka magaalada lasoo dhoobay Ciidamada Amniga Jubaland kuwa Dowladda Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM.

Waxaa Saaka xiran gabi ahaan Goobaha ganacsi eek u dhaw nawaaxiga halka uu shirku ka furmayo sidoo kale waxaa hakad galay isu socodka gaadiidka iyo Dadweynaha Magaalada

Waxaa jirto howlgallo balaaran oo ay sameynayaan Ciidanka Jubaland kuwaas oo  xaqiijinaya Amniga Magaalada Kismaayo oo Xarun u ah Gobalka Jubada Hoose

General Darwiish oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Jubaland ayaa Xaqiijiyay in Maanta uu Si rasmi ah ufurmayo Shirkan looga Hadlayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso marka lagaaro Dhamaadka Sanadan

Kismaayo waxaa Saaka ku sugan dhamaan madaxdii Soomaaliyeed heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka inkasta oo xubnaha beesha Caalamka ay qaarkood ka tageen Kismaayo sheegeenna in ay soo laabanayaan dhamaadka Shirka.

Qaarkood waxay Kismaayo ku sugan yihiin 4 maalmood halka qaarna ay labo iyo maalin joogaan, intaas waxaa socday kulamo ay madaxdu isku dhaafsanayaan aragtiyadooda.

Xuuraansi aanu sameynay waxaanu ku soo ogaanay in afar maalin kadib arintu marayso faanoole fari kama qodna.

Awal hore waxaa jiray laba aragti oo madaxdu kala qabtay hada waxaa miiska saaran sadax aragtiyadood  oo madaxdu kala qabto inkastoo aragtiyadaas mid kamid ah ay miiska hoos taalo oo aan wali si rasmi ah miiska loo soo saarin.Aragtiyada la kala qabo ayaa kala ah.

Nidaamka 4.5

Dadka nidaamkan wata ayaa wata Hal Aragti oo Mideysan oo ah in dhamaadka Sanadan Wax lagu soo doorto Habka Beelaha ee 4.5

Deegaan

Kooxda wadata Qorshahan ayaa labo ukala qaybsan,Qeyb waxey doonayaan in  xildhibaanada aqalka hoose lagu soo xulo degmooyin ama 18-kii gobol halka dhinac kale oo isla deegaanka Kooxda qabtana ay daneynayaan in maamul goboleed wax lagu qaybsado.

Sidoo kale waxaa jirta aragti sadexaad oo ah

Waqti kordhin

Kaarka waqti kordhinta waxay xog nagu soo gaartay miiska hoostiisa wali lagu hayo Qorshaha Mudo Kororsiga  waxayna ubadan tahay marka labada aragti ee kale la iskumari waayo in miiska la soo saari doono.

DHAGEYSO WARBIXIN :