TOP DHAGEYSO KHUDBAD : Axmed Madoobe oo Madaxda Somalida Ka codsaday iney isku tanaasuulaan.

0

Waxaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u furmey shirkii Madasha Wadatashiga Geeddi socodka Doorashooyinka Soomaaliya 2016.

Shirka oo ay martigelisey Jubaland, ayaa lagu qabtey xarun cusub oo si weyn loo qurxiyey guriga martida ee daawad oo maamulka Jubaland u diyaariyey shirka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa khudbadii u horeysey shirka ka soo jeediyey waxaana uu soo dhaweeyey martida shirka iyo ergooyinka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay hormar weyn tahay in Soomaali maanta wada hadleyso iyada oo aysan jirin cid ajnebi ah oo ku dhex jirta iyaga oo kawada hadalaya aayahooda. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkan dhaqaalaha ku baxay aanu ahayn mid beesha caalamku bixisey ee uu yahay mid bulshada Jubaland ay iska soo ururiyeen.

DHAGEYSO CODKA AXMED MADOOBE :