SAWIRRO : Iska hor imaad xoog leh oo ka socda caasimada dalka Indonesia

0

Daryanka rasaas xoog leh iyo qarxyo ayaa laga maqlayaa magaalada Jakarta ee caasimada dalka Indonesia.

Sida laga soo xigtay hawlwadeenadda caafimaadka ku dhawaad 20 ruux ayaa ku naf waayay weerarkaasi ka socda magaalada Jakarta tirada dadka dhaawaca ahna willi lama tiro koobin.

Wararku waxay sheegayaan in weerarka uu ku bilowday qaraxyo waa weyn oo 6 gaarayay waxaana xigay iska hor imaad dhex maray ciidamada dawlada iyo koox hubeysan.

Goobta la weeraray waa degmada ugu mashquulka badan magaalada Jakarta oo ay ku yaalaa safaaradaha wadamada reer galbeedka iyo xarunta  Q,M.

War Q,M ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qof shaqaalahooda ka tirsan oo u dhashay dalka Holland uu ku dhaawacmay weerarka oo aan la garaynayn cidda ka dambeysa.

Saraakiisha amaanka Indonesia waxay sheegayaan in dadka geeriyooday ay ku jiraan 6 ka mid ah kooxdii magaalada weerartay.

Dalka Indonesia oo ah dalka Muslimiinta ugu badan dunnidaan ku noolyihiin dhawr jeer ayay ka dhaceen weeraro noocaan oo kale ah.

M/weynaha wadanka Indonesia Joko Widodo oo dadka warbaahinta kala hadlay ayaa inay is dajiyaan ugu baaqay.

Kolonyo sida gar gaar fara badan oo loo diray magaalo go’doonsan oo Syria ku taala.

Kolonyo gaadiid ah oo sida shixnado gar gaar ah ayaa loo diray magaalada Madayan ee dalka Syria oo ah magaalo go’doonsan oo ay xaalad bini’aadanimo ka jirto.

Gaadiidka shixnadaha samafalka ah qaaday oo kotomeeyo gaaraya ayaa ka baxay magaalada caasinada Syria u ah ee Dimishiq sida ay sheegeen mas’uuliyiin Q,M u hadlay.

Sargaal u hadlay Q,M ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay magaalada Madayan ay markii labaad geynayaan gar gaar ay ugu talo galeen dad ay macaluul ku hayso magaaladaas.

Sargaalkaas waxaa uu sheegay in warar ay heleen ay sheegayaan in dadka qaar ee magaaladaas ay cunno la’aan u liitaan qaarkoodna ay ku jiraan xaalad halis ah.

Magaalada Madayan oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradsan dawlada Suriya ayaa muddo bilooyin ah go’doonsan waana taas tan keentay inay halis gasho nolosha dadka magaaladaas ku nool.

DAAWO SAWIRADDA :

0572e6a2d74940b980cd71bc69e06734_18 69794b3c8c594e4389b5829584851aea_18 c407fe4940bd42ddaf5dae34254d6591_18 f682851da5b94cc0a6a8ded4f6d8f1ec_18 jakarta jakarta-1 jakarta2 jakarta3 jakarta4