DEG DEG : Qaraxyo Gil-Gilay Caasimadda Indonesia Ee Jakarta

0

Ugu yaraan lix qarax ayaa gilgilay caasimadda Indonesia ee Jakarta, iyadoo lagu soo warramayo in dhowr ruux ay ku dhinteen weerarradaasi.

Mid ka mid qaraxyada ayaa ka dhacay xarun dukaamaysi oo lagu magacaabo Sarinah, as oo ay ku yaallaan hoteello kuwa lagu raaxaysto ah iyo safaarado.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen dhowr mayd oo waddada yaalla kaddib markii ay rasaas isweydaarsadeen boliiska iyo dabley hubaysan.

Boliisku waxay weli gudaha xaruntaasi ka raadinayaan dableyda weerarka soo qaadday.

Markii ugu dambeysay ee weerar ka dhacay Jakarta waxay ahayd sanadkii 2009-ka, xilligaasi oo laba hoteel la weeraray.