Abwaan Duncarbeed oo Maanta Hargeysa Lagu Aasayo”Taariikhdiisa”

0

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Cigaal (Duncarbeed) oo ka mid ahaa Abwaanada Somaliyeed kuwooda ugu waawayn, oo 11kii Bishan Ku geeriyooday Isbitaal Wadanka Emirate-ka Carabta ku yaala,ayaa Meydkiisa Maanta Waxaa lakeenayaa Magaalada Hargeysa.

Abwaanka, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanaayay dalkaasi, iyadoo ugu dambeena uu ugu geeriyooday xanuuno isbiirsaday, oo uu kula tacaalaayay imaaraatka Carabta, Abwaanka Sanadihii ugu dambeeyay Waxa uu Deegaan ahaan daganaa Dalkaasi Imaaraatka.

Abwaan Cali Sugule Cigaal, ayaa lagu daawayn jiray isbitaal ku yaala Magaalada Cujmaan (Ajman), waxaana bishii October ku booqday Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Diyaarad Gaar ah ayaa la sheegay iney maanta keeneyso Magaalada Hargeysa oo Xarun u ah Maamulka Somaliland,Garoonka waxaa Xiliganba kusugan Masuuliyiin katirsan Maamulka Somaliland iyo Bulshada Qeybeheeda Kala duwan.

Cabdi laahi Daahir Cukuse oo Xubin ka ah Guddi loo magacaabay Qabanqaabinta Aaska Marxuum DunCarbeed ayaa Warbaahinta usheegay in Diyaarada Lagu wado Meydka Abwaanka ay la socdaan Qoyska Marxuumka iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraatka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cukuse ayaa Dhinaca Kale Sheegay in Abwaanka lagu aasayo Xabaalaha Naasahablood oo la diyaariyay Xili Hore.

Abwaan Sugule, ayaa sameeyay heeso iyo ruwaayado badan, Heesaha uu sameeyay waxaa ku jira heeso badan oo halgankii xoriyadda dalka uu kaga qayb qaatay Sida  heestii (Afqalaad Aqoontu Miyaa?).

Dhawr jeer, ayaa waxaa xirtay Dowladdii Militariga Somaliya, ee uu Madaxweynaha ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre.

1936 ku dhashay oodweyne,Anbaqaadkiisii waxbarashada ka bilaabay berbera oo uu dugsigii hoose ka galay ,Markii danbana soo wareegay iskuu;lkii la oran jiray Shiikh oo ay gacanta ku hayeen macalimiintii ingiriiska.

Waxa uu ahaa shaqsiyaadka somalida kuwooda ugu xeel dheer dhanka fanka waxa uu kamid ahaa abwaanada fara kutiriska ah ee xitaa ku gabya afka carabiga.

Halka uu ka yimid fankiisa oo isaga laftiisa la weydiiyay waxa uu sheegay inuu yahay dhaxal uga yimid dhanka hooyadii oo inbadan oo kamid ah abtiyaashiis ayaa gabyi jiray.