TOP DHAGEYSO : Xildhibaano ka Tirsan Galmudug Oo Qorsheenaya Mooshin Ka dhan Ah Guuleed,

0

Magaalada Cadaado ayaa la filayaa inuu ka dhaco kulan balaaran oo ay xildhibaanada Galmudug kaga hadli doonaan wax qabadkii Xukumada iyo Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanadan oo qaarkood gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in xukumada Cabdi Kariim Guuleed ay kula xisaabtamaan waxyaabihii ay qabatay.

Liibaan Cabdullahi oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Galmudug ayaa sheegay in sidoo kale kulankan looga hadli doono halka noqon doonta caasimada Galmudug maadaama lagu shaqeynayo Cadaado oo aan ahayn caasimada rasmiga ah.

DHAGEYSO CODKA :