TOP DHAGEYSO : Faah faahin | Safarka Xasan Sheikh Uu Ku Tagay Magaaladda Kismaayo Iyo Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay.

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowladgoboleedka Jubbalaan, Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha DFS ayaa ka soo kici timay Magaalada Jowhar ee Xarunta G. Shabeelada Dhexe. Halkaas oo ay ku hoyedeen Habeenki xalay ahaa.

Wafdiga Madaxweynaha Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey, Gudoomiyaha Barlamanka DFS, Madaxweynaha Jubbalaan Shiikh Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Jubbalaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartag.

Soo dhaweyn ka dib Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Dowladgoboleedka Jubbalaan ayaa si wada jir ah saxaafada ugu la hadlay qaybta nashada ee garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaana Madaxweyna ku soo dhaweeyey Kismaayo. Wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

DHAGEYSO MADAXWEYNAHA :

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isma dhankiisa ka mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen Gudoomiyaha Barlamanka DFS iyo Madaxweynaha Jubbalaan Axmed Maxamed, Wuxuuna ka cudur daartay dib u dhaca ku yimid safarkii shalay uu ku iman lahaa Magaalad ksimaayo.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA :

Intaa ka dib Madaxweynaha iyo Wafdigiisii waxaa loo gudbiyey Guriga Martida ee Jubbalaan oo ay ku ugayaa Wafuud tiro badan oo uu ka mid yahay Raysalwasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mud. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo oo la filayo in uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Imatinka Madaxweynaha ayaa imanaya xili aysan maanta u muuqan maalin uu furmi doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran, Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Madaxtooyada Jubbalaana waxay noo xaqiijiyeen in uusan Shirku furmi doono Arbacada maanta ah.

Goordhow fillo sawiradda :