Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulamo gaar gaar ah Kismaayo kulamo kula leh Madax Sare

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in uu kulamo gaar gaar ah Magaalada Kismayo kula leeyahay ka qeyb galayaasha Shirka Madasha Qaranka oo lagu wado inuu beri ka furmo Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa Madaxdaasi kala hadlaya qaabka ugu macquulsan ee lagu wadi karo Shirka iyo sida ay u kala hormarinaya qodobada xasaasiga ah ee shirka loogu hadlayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala tashanaya ka qeyb galayaasha aayaha soomaaliya iyo iney daacad u ahaadaan go’aanka la doonayo in laga gaaro nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid.

Maalinta berito ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 14-Janaayo ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah Magaalada Kismaayo kaga furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka.