DEG DEG : Madaxweyne Xasan Oo Gaaray Kismaayo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaas oo la filayo inuu ka furmo Shirka Madasha wada Tashiga.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana saacadaha soosocda la fuilayaa inuu furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Somalia

Madaxweynaha ayaa maanta daah furi doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Somaliya, kaasi oo looga hadli doono Arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaayo sanadkaan.

Wariyaha AGGM Ee Kismaayo ayaa soo sheegaya in Guud ahaan Amaanka Magaaladda Kismayo Aad Loo Adkeeyay, Waxaanna Wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladda la soo dhoobay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Somalida iyo Kuwa AMISOM Ee Howlgalka Midowga Afrika.

Ammaanka Magaalada ayaa wuxuu yahay mid si weyn loo adkeyay oo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom ay iska kaashanayaan.

La soco Faah faahinta