DAAWO SAWIRRO : Sidii Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh Loogu soo dhaweeyay Magaaladda Kismaayo.

0

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kimaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah; wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxayna ka dhoofeen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada oo uu madaxweyuhu shalay ka furay Shirweynaha lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo RW Somalia Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisu ay ku tageen Kismaayo ayaa salka ku haya shirka looga hadlayo doorashooyinka sannadka 2016-ka ka dhici doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado inuu shirkaas furmo Gellin-ka dambe ee maanta oo Arbaco ah.

Dhinaca Kale maamulka Jubbaland ayaa maanta shaaciyay in shirka Maanta uu dib u dhacay islamarkaana uu barito Si Rasmi Ah U furmi Doono.

DAAWO SAWIRADDA :

IMG_9791-1024x683 IMG_9802-1024x683 IMG_9814-1024x683 IMG_9823-1024x683 IMG_9842-1024x683 IMG_9845-1024x683 IMG_9847-1024x683 IMG_9854-1024x683 IMG_9860-1024x683 IMG_9892-1024x683 IMG_9919-1024x683 IMG_9924-1024x683 IMG_9952-1-1024x683