Akhriso Sababta uu dib ugu dhacay Shirka Kismaayo iyo Warar kala duwan oo ka soo baxaya..

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta shirka Kismaayo maanta dib loogu dhigay madaama uu Madaxweynuhu halkaasi gaaray iyadoo uu ka hadlay arintaasi  wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya inay Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ay ka shaqeeyeen sidii uu u baaqan lahaa markii ay Madaxda Dowlada hor dhigeen in xubnihii Beesha Caalamka ka socday ay beri imaanayaan sidaas daraadeedna aan la’aantood shirka la furi karin.

Warar kale ayaa sheegaya in dib u dhaca beri ay isla garteen Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada markii ay iska arkeen arimahaan imaanshihii Madaxweynaha kadib.

Wararkaasi ayaa intaasi in ujeedku yahay in maanta Dowlada iyo mamulada ay ka tashadaan qaabka shirka uu beri u furmi doono madaama arimo waa weyn looga hadli doono.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Arrimo farsamo uu dib ugu dhacay Shirka.

Waxa uu xusay in uu beri furmo doono Shirka madaxda Dowlada Federaalka, Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada ay joogaan balse ay maqan yihiin xubnihii Beesha Caalamka.

Waa markii 4aad oo uu dib u dhacayO Shirkan,waxaana markii ugu horreysay ahayd 10-kii Bishan oo loo ballansanaa in uu furmo shirka.