Top News: Wararkii ugu danbeeyay ee Kismaayo iyo Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo wali aan furmin.

0

Xili Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliiya, Madaxda Maamul goboleedyada qaar, Xubno ka socda Beesha Caalamka, iyo dowladaha daneeya Arrrimaha Soomaaliya ayaa waxaanan weli furmin shirka Madasha Wadatashiga qaran ee loogu hadlayo nooca doorasho ee Dalka ka dhaceyso.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu iminka ku sugan yahay Magaalada Jowhay oo ay ka socoto Xaflada Furitaanka Shirka la doonayo in Maamul loogu sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Shirka Madasha Wadatashiga ayaa dib uga dhacay xiligii loogu talagalay in uu ka furmo Magaalada Kismaayo, waxaana Maalintii labaad Kismaayo ku sugan Xubno ka socda Beesha Caalamka, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya.

Wararka qaar ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in Madaxweynaha Soomaaliya maqribka ama casir liiqa uu gaaro Magaalada Kismaayo Berina uu si rasmi ah u furmo Shirka.

Shabakada Wararka Allgalgaduud.com kala soco wixii soo kordha….