War Deg Deg Ah: Gudoomiye Jawaari Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi Balaaran oo uu Horkacayo ay Goor dhaw gaareen Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,waxaana loo galbiyay Halka lagu qabanayo Shirka Madasha Qaran ee Kismaayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu Kismaayo gaaro Saacadaha soo socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shirka Madasha Qaran furi doona.

Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Beesha Caalamka.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media