TOP NEWS:- Ergadii ka socotay Gobolka Hiiraan oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Diyaarad siday Ergadii ka socotay Gobolka Hiiraan, ayaa Maanta gaartay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu wado in maanta uu ka furmo Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan xubno ay ka mid yihiin ayaa gaaray Magaalada Jowhar oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada.

Xubnahan ayaa loo galbiyay halka loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo Martida ka qaybgalaysa Shirka Maamulka U Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maanta lagu wado inuu furo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada waxaa laga sugayaa Madaxweynaha oo furi doono Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale Magaalada jooga Saxiixayasha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo shalay sii gaaray halkaasi.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Amisom ayaa ammaanka iska kaashanaya.