TOP NEWS:- Dowlada oo gacanta ku soo dhigtay Maleeshiyaadkii Bililiqeystay Xarun ay lahayd Dowlada Iiraan

0

Iyadoo Saaka  Dad Shacab ah iyo Maleeshiyo ay Bililiqeysteen Xarunta Hay’adda Khumeyni ee laga leeyahay Wadanka Iiraan islamarkaana ku taalla Degmada Hodan Ee Gobolka Banadir ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Ee Gobolka Banaadir C/xakiin Fareey ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in Ciidanka NISA ay Gacanta ku hayaan Xarunta Hay’adda Khumeyni, Nin u dhashay Dalka Iiraan iyo Qaar ka mid ah Maleeshiyadkii wax Bililiqeystay.

Taliyaha NISA Ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale noo sheegay in Ciidamada Nabad Sugudda ay ku raad joogaan Koox ka mid ah Maleeshiyadii oo Alaab goobta kala baxay.

Arrintaan ayaa imaaneysa Xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xariirka u jartay Dowladda Iiraan oo ay ku Eedeysay in Falal Amniga ka dhan ah ay ka dhax waday Guddaha Soomaaliya,iyadoo Dowladda ay u qabatay Mas’uuliyiinta ka jooga Soomaaliya Iiraan in mudo ku siman 72 Saacadood ay dalka uga baxaan.