TOP:- Madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Kenya oo hortagaya maxkamadda Hague

0

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago maxkamadda The Hague ee fadhigeedu yahay dalka Nederlands.

William Ruto ayaa ku eedaysan inuu ku lug-lahaa dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo dalkiisa ka dhacay sannadihii 2007-dii iyo 2008-dii.

Waxaa jira warar sheegaya inaysan jirin markhaatiyaal diyaar u ah inay caddeeyaan eedaymaha loo haysto madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Maxkamadda The Haague ayaa horay u laashay dacwad ka dhan ahayd madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Rabshooyin ka dhashay doorashadii madaxweyne-nimo ee Kenya ka dhacday sannadku markuu ahaa 2007-dii ayaa waxaa ka dhashay dhimashada boqollaal qof iyo barakaca qoysas badan.