DHAGEYSO+SAWIRRO: RW. Cumar iyo C/wali Gaas oo kormeeray xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo.

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Clai Gaas, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dawl-goboleedka  Jubba-land ayaa maanta kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey xarumo isugu jira dawli iyo kuwo shacab.

Xarumahii ay maanta soo  kormeereen Madaxdu ayaa waxaa kamid ahayd Xarunta Caymiska oo ah halka uu kadhici doono shirweynaha madasha wadatashiga qaran oo si’aad u qurux badan loo hagaajiyey loona dhammaystiray agabkii shirku u baahnaa iyo xarumihii ay madaxdu ku nasan lahaayeen xilliyada nasashada.

Sidoo kale goobihii ay Madaxdu kormeereen waxaa kamid ahaa AGAN Hotel  oo ah  hotel casri ah oo dhowaan xadhigga laga jaray isla markaasna la dejiyey qaybo kamid ah Ergooyinka shirka kaqayb geli doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambayntii waxa uu tegey Hotel Kismaayo oo kamid ah Hotelada ugu caansan magaalada Kismaayo halkaas oo uu madaxweynuhu kula qaxweyey Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland JeneraalCabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Ganacsato iyo  Odayaal dhaqameed.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo isla markaasna ka qaxweeyo maqaaxiyaha magaalada iyadoo aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha nabad diidka ah.

“Sharafweyn bay iitahay inaan maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo soona booqdo xarumaha dawladda iyo hoteelada magaalada, waxaadna muuqata maanta sida ay magaalada kismaayo isu bedeshey amnigeedii iyo bilicdeediina ay isu bedeshey”ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay guud ahaan dadweynaha  reer Jubba-land iyo Dawladoodaba  in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta.

DHAGEYSO CODKA :

daawo sawiradda :

IMG_8544 IMG_8555 IMG_8557 IMG_8563 IMG_8571 IMG_8572 IMG_8584 IMG_8595 IMG_8599 IMG_8615 IMG_8625 IMG_8629 IMG_8635 IMG_8638 IMG_8641 IMG_8647 IMG_8657 IMG_8673 IMG_8680 IMG_8684 IMG_8691 IMG_8698 IMG_8701 IMG_8703 IMG_8710