LIVE U DHAGEYSO : FAAH FAAHIN : Jawaari Oo Maanta Iska Xaadiriyay Kismaayo.

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka u metella madatasha Wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo horey u joogay magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay soo dhaweynta garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yimaado markii ugu horeysay magaalada Kismaayo islamarkaana hadda ay xubinta ugu muhiimsan ee wafdiga imaanaya waxaana uu xusay in u jeeddada uu u yimid ay tahay ka qeybgalka Shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016 dalka ka dhacaya oo dhowaan ka furmi doona magaalada Kismaayo, xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo saxaafadda lka hadley ayaa ka mahad celiyey sida quruxda badneyd ee lasoo dhaweeyey wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in shirka madasha wadatashiga qaran ee ka furmi doona Kismaayo ay kasoo baxaan qodobbo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kaasi oo loogu magac dari doono go’aankii Kismaayo.

Jawaari ayaa la sheegay inuu Magaaladaasi u tagay siduu oga qeybgali lahaa shirka madasha wadatashiga Qaran ee doorashadda Somalia Kaas oo Uu ka Baaqday Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamud oo maanta isagu tagay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

DHAGEYSO CODKA :