DHAGEYSO+VIDEO : Somaliland Oo maanta xukuntay Nin Pakistani ah oo Faafinayay Shiicanimo

0

Maxkamadda degmada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta xukun xadhig, ganaax iyo masaafuris isugu jira ku ridday saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta shiicada ku faafinayeen Somaliland.

Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku ridday ayaa ahayd qof dumar ah oo Soomaali ah, taas oo ku eedaysneyd inay marag been ah furtay.

MAXA

Xukunkan oo maanta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen qal-qal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo madhabta shiicada ka hadlaya.

DHAGEYSO COD :

DAAWO MUUQAAL :

https://youtu.be/U7XKNj5vN-g