DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo dad u soo qabtay dilkii Ganacsade Xaaji Abuukar

0

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay Qof u soo qabteen fal shalay lagu dilay ganacsade ka tirsanaa Ganacsatada Gobolka Shabeellaha hoose.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabayay Xaaji Abuukar ayaa waxaa isaga iyo Wadihii Gaarigiisa ay ku dhinteen Qarax Miino oo qabsaday gaarigiisa.

Geerida kadib Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye ayaa howlgal ka fuliyay degaanka uu shilkaasi ka dhacay,waxaana y sheegeen in ay hal qof oo la tuhmayo u soo qabteen dilka Ganacsade Xaaji Abuukar iyo Darawalkiisii.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Degmada Afgooye Yuusuf Max’ed Moordoow ayaa waxaa uu sheegay in Qofkaasi ay rumeysan yihiin in uu yahay Qofka qarxiyay Miinada lagu dilay Ganacsade Xaaji Abuukar.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka sidoo kale howgal ka wada Xaafadaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose kaas oo ay ku xaqiijinayaan Amniga Degmada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-