DHAGEYSO:- Gudoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in aysan aqbali doonin in la Xero Wadooyinka marka ay shirar ka socdaan Muqdisho

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in la iska Xero Wadooyinka Magaalada Muqdisho .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Wasaarada Amniga kala hadleyn in aan la la furo Wadooyinka Xeran ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in la furo Wadooyinka la xero marka ay shirar lagu qabanayo Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in aysan wanaagsan in la xero Wadada Maka Al Makurama ilaa Sayid marka ay jiraan Kulamada Baarlamaanka.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya ka dib Cabasho ay gudbiyeen Shacabka Gobolka oo ku aadan Xernaashaha Wadooyinka marka ay baxayaan iyo marka ay soo degayaan Madaxda Sare ee Dowlada.

Sidoo kale Shacabka Gobolka Banaadir ayaa Dhibaato ku qaba marka ay Shiarayaan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Shirarka kale ee lagu qabtay Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-