DAAWO VIDEO : Taliyaha booliska Gobalka Togdheer Oo Ka warbixiyay Nin Itoobiyaan ah oo ilmayar ku qashay Burco.

0

Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer Axmed Max’uud Guutaale oo Ciidan uu watay ay sooq abteen Ninkan ayaa waxaa uu sheegay in Ninkan uu sheegay in uu Itoobiyaan yahay, kaas oo dilay Xamda oo 4 Jir ah dilkeedana u adeegsaday Masaar uu Qoorta kaga gooyay.

Taliye Guutaale waxaa uu sheegay in Ninka Itoobiyaanka ah si dhaqsi ah Maxkamad loo soo taagayo,maaddaama uu galay Fal dambiyeed dil ah.

Dadka degaanka ayuu sheegay in ay Booliska ka saacideen qabashada Ninka oo ay sheegeen Dadka in ay Raadkiisa hayaan,sidaana ku suura gashay in la soo qabto.