Daawo Sawirrada: Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan Oo Qaadacay Shirka Jowhar.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in  goor dhaw uu ku soo dhamaaday magaalada Beledweyne kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb-galleen siyaasiyiinta waxgaradka, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarrada beesha Xawaadle, ayaa si wadda jir ah loogu qaadacay kulanka maanta ka furmaya magaalada Jowhar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dhamaan siyaasiyiinta, waxgaradkii iyo odayaashii dhaaqanka ka qeyb-galay kulan ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku balan furay beesha, siddaa daraadeed aysan ka qeyb-gali doonin shirka ka dhacaya magaalada Jowhar.

Isku soo wada duuboo Beesha ayaa ugu danbeyntii isku raacday in muddo 48 saacaad gudaheed jawaab cad sidda ay hadalka u dhigeen uga bixin doonaan shirka ka furmay Jowhar ee la sheegay in maamulka loogu dhisayo Hiiraan & Sh/dhexe.

oday oday1 oday2 oday3 oday4 oday5 oday6 oday7 oday8 oday9 oday10 oday11 oday12 oday13 oday14 oday16
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media