Akhriso : Go’aanka Wariyaasha Gobolka Galgaduud Ee Shirka Muqdisho.

0

Ururka Saxafiyiinta Gobolka Galgaduud iyo Dhamaan Wariyaasha ka howlgala Gobolka Galgaduud waxa ay halkan ku cadeynayaan in aysan qayb ka aheyn Shir lagu sheegay in Saxaafada Somaliya uu quseeyo oo muqdisho Kafurmay Maanta kaasi oo ah mid xaqiiqda ka fog.

Sababta ay u qaadaceen Wariyaasha Gobolka Galgaduud ayaa ah iyada oon lagu casuumin Shirkaas taa badalkeedana ay si xadgudub ah ay Wasaarada Warfaafinta Galmudug ugu qortay Shirkaas Dad aan Wariyaal aheyn oo la shaqeeya Wasaaradaas kuwaa oo laga dhigayo in Wariyaal yihiin lana ogyahay in aysan waligood ehel unoqon Saxaafad Gobolka kasoo shaqeyn.

Waxaan leenahay waa nasiibdaro in Wasaarad dhan ay isku daydo in xuquuqdooda hareermariso Wariyaasha G/galgaduud, taasi oo keeni karta dhaqamada nuucaan ah hadaan laga fiirsan in uu xumaado xiriirka Saxaafada iyo Galmudug.

Waxaa intaa dheer in Masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta NUSOJ ay awoodi waayeen in ay qaabeyaan Shirkaasi oo ay casuumaan Xubnaha Saxaafada u matalaya, waxaana jirta in Gobolada kalana la casuumin iyagana oo Wariyashooda ay la yaabanyihiin sheekada socota.

Ugu danbeyn waxan leenahay Shirkaasi waa mid ugaar ah wasaaradaha tagay in shaqsiyaadka been abuurka lagu keenay wixii kasoo baxana nama quseeyaan, wuxuuna lamid yahay shirkii lagu sheegay in loo qabtay dhalinyarada Somaliyeed ee lagu casuumay qurbajoog aan Afsomaliga xitaa aqoon.

MAHADSANIDIIN.

Nur Abdulkadir Ugas

allgalgaduud@gmail.com