Wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

0

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir ayaa la kulmay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cuthman, ayagoo ka wada hadlay sidii labada dowladood ay iskaashi ugu yeelan lahaayeen horumarinta Garsoorka.

Kulanka oo looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso horumarinta arrimaha garsoorka ee dalka, ayaa waxa uu Wasiirku dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan gudaha dalka.

Safiika Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cuthman ayaa uga mahadceliyay Wasiirka dadaalkiisa ku aadan horumarinta garsoorka, waxaana uu intaa raaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay u joogteen lahaayeen mashaariicda kala duwan ee ay ka hirgelinayaan gudaha dalka.

Wuxuu sheegay in Hada Soomaaliya ay ka soo kabsaneyso dagaal sokeeye,wuxuuna carabka ku adkeeyay in Imaaradka Carabta ay Hiil iyo Hooba la garab taagan yihiin shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya si looga shaqeeyo Hormarka iyo dib u dhiska dalka.