WARBIXIN : Xildhibaan Cabdi Barre “Shirka Kismaayo shacabka in mindiyo la isugu dhiibo ayaa ka soo baxaya”

0

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa si adag u dhaliilay shirka maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo nooca Doorasho ee la filaayo in Somaliya ay ka dhacdo sanadkan bartamahiisa.

Cabdi Barre waxa uu dhaliilay Natiijada la filan karo inuu shirkaan ka soo baxo, maadaama sida uu ku doodaayo shirarkii hore aysan ka soo bixin natiijooyin la taaban karo.

Shuruucdii dalka u taallay ayuu sheegay xildhibaanka in ay ku tumanayso beesha caalamka, islamarkaana ay wax u yeerinayaan madaxdii dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaad moodaa shirarkaasi nimanka garwadeenka ka ah ee ajaaniibta ah inay wax un u yeerinayaan madaxda, waxaad moodaa in shuruucdii dalka oo dhan inay inkireen oo ay gees mareen, waxaad moodaa in aysan waxba ka aqoon awoodii ay dalka ku lahaayeen, waxay awoodi la yihiin inay yiraahdaan annaga cidna waxba nooma yeerinayso, waxaan nahay dowlad KMG ka baxday walibana rasmi ah, annaga ayaa go’aan ku gaareyna sidii aan ku gaari lahayn doorasho rasmi ah, meeshii ay sidaasi ka oran lahaayeen madaxii ayeey hoos aadiyeen, aad ayaan uga xumahay mas’uuliyiintii dalka ugu sareysay inay madaxooda hoos aadiyeen”

Shirka Kismaayo ka furmaayo ayuu sheegay inay u arkaan mid shacabka Somaliyed la isugu diraayo oo mindiyo la isugu dhibaayo si dadka dhexdooda dhibaato iyo qalalaase looga dhex abuuro.

“Waxaan leeyahay dalka baarlamaan buu leeyahay, arrintaasi baarlamaanku waa in uu fiiro gaar ah ka lahaadaa waxyaabaha halkaasi kasoo baxaya oo la inkirayo shuruucdii dalka u taallay oo aad moodidba in madaxdii wax loo yeerinayo walibana meesha loo keenay in wax loo yeeriyo oo kaliya, shirka Kismaayo wax kasoo baxaya malahan, wixii meeshaasi kasoo baxana waa wax dadka Mindiyo la’isugu dhiibayo, la’iska horkeenayo ama la’isku dirayo, taasina waxaa daliil u ah sida loogu yaacayo halkaasi” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Sida qorshaha uu yahay maanta ayaa la filayaa in shirka uu ka furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland uu shaki geliyay furmashada Shirka.