TOP-NEWS :Booliska Somaliland oo qabtay Nin Itoobiyaan ah oo Xalay gabar yar ku qashay Burco

0

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xalay waxaa ay Howgal ka fuliyeen degaanka  Waran oo ka tirsan Burco ,waxaana ay howgalkaasi ku soo qabteen Nin Itoobiyaan ah oo  Gabar yar  laguna magacaabayay Xamda Cabdi Xasan ku qalashay degaankaasi.

Ninka Itoobiyaanka ah ayaa Gabadha markii uu qashay waxa auu ka dhuuqay Dhiigga,waxaan Maydkeeda laga helay agagaarka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer Axmed Max’uud Guutaale oo Ciidan uu watay ay sooq abteen Ninkan ayaa waxaa uu sheegay in Ninkan uu sheegay in uu Itoobiyaan yahay, kaas oo dilay Xamda oo 4 Jir ah dilkeedana u adeegsaday Masaar uu Qoorta kaga gooyay.

Taliye Guutaale waxaa uu sheegay in Ninka Itoobiyaanka ah si dhaqsi ah Maxkamad loo soo taagayo,maaddaama uu galay Fal dambiyeed dil ah.

Dadka degaanka ayuu sheegay in ay Booliska ka saacideen qabashada Ninka oo ay sheegeen Dadka in ay Raadkiisa hayaan,sidaana ku suura gashay in la soo qabto.