TOP DHAGEYSO+SAWIRRO : Faah faahin : Siilaanyo Oo Eedeeyey Dowladda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta oo Isniin ah (1/11/2016) Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay Somaliland ka wadaan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka dadka Somaliland.

Madaxweyne Silaanyo oo maanta khudbad sandeedkii dastuuriga ahayd u jeediyey labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, ayaa sheegay “In dowladda Soomaaliya ay soo abaabuleen kooxo khal khal galinaya deganaansha Somaliland”.

Siilaanyo ma uusan shaacin waxa ay yihiin kooxahan uu sheegay inay dowladda Soomaaliya soo abaabushay.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan u dul qaadan doonin “In lagu xadgudbo ciideeda iyo calankeeda”, Islamarkaana Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay taas ixtiramato.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaari u yihiin inay dar-dar geliyaan wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Khudabaddiisa, ayuu Siilaanyo kaga hadlay dhowr arrimo oo kale, oo ay ka mid yihiin siyaasadda arrimaha dibedda, qiimo dhaca shilinka Somaliland, nabad galyada, garsoorka iyo caddaaladda iyo xiisadda ka dhex oogan dalalka Sacuudiga iyo Iran.

DHAGEYSO WARBIXIN :

DHAGEYSO KHUDBADII MADAXWEYNAHA SOMALIALND OO DHAMEYSTIRAN :

daawo sawiradda :

2016111635880983563722882DSC_00013 2016111635880983735059210DSC_0025 2016111635880983991422229DSC_00033 2016111635880984174140085DSC_0037 2016111635880984317120750DSC_00043 2016111635880984752161352DSC_0050 2016111635880986757151180DSC_00082 2016111635880987182528686DSC_0122 2016111635880987678345266IMG_0717 2016111635880988049569960IMG_7821