Milliteriga US oo banaanka soo dhigay Sir badan oo ku saabsan AL-SHABAAB

0

Dowlada Mareykanka ayaa warbixin kasoo saartay awoodaha maleeshiyaadka Al-shabaab iyo wararka sheegaya in kooxda uu burbur baaxad weyn ku imaaday bilihii ugu danbeeyay.

Warbixintaani ayaa waxaa si gaar ah usoo saaray Taliska Militeriga Mareykanka ee Qaarada Africa ee uu horboodaayo Jeneral David Rodriguez oo ah Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika.

Jeneral David Rodriguez ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab ay wali awood ku dhex leedahay Somalia, balse awoodooda ay sii qafiifeyso marba marka xigta.

Jeneral David Rodriguez waxa uu sheegay in Al-shabaab ay inta badan ka guureyso goobihii lagu yaqiinay waxa uuna tilmaamay in awoodooda ugu badan ay iminka isugu geeyen Dooxadda Webiga Jubba oo keliya.

David Rodriguez waxa uu tilmaamay in guur guurida Al-shabaab aysan waxba ka bedeli doonin Howlgalada ciidamada cirka ee Dowlada Mareykanka, waxa uuna warbixintiisa ku xusay in dhamaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay sheeda kala socdaan goortii ay u baahdaana ay waajibkooda ka fushan doonaan.

Sidoo kale. David Rodriguez waxa uu tilmaamay in muhiimadooda koowaad tahay sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab iyo sidii ay Hawlgalka AMISOM u sugi lahaayeen ammaanka Deegaannadda ay Dowladda Federalka maamulaan.

Ujeedkooda ugu weyn ayuu ku sheegay inay tahay naafeynta Al-shabaab iyo dhamaan unugyada ay ku leeyihiin Gobolada Somalia.

Nuqul kamid ah warbixinta David Rodriguez ayaa aheyd “Alshabaab waa laga riixay inta badan Deegaanadda ay Dadka ku badan yihiin, waxayna Awoodooda ku harsan tahay Dooxadda Webiga Jubba oo keliya”

Dhanka kale, waxa uu sheegay inay laba jibaari doonaan Howlgalada cirka oo ay ku hayaan Al-shabaab mudada ay Somalia ku jirto kala guurka.