Magaalada Muqdisho oo nasiib is xigxiga u yeelatay Qaraxyo aan dhamaan

0

Qaraxyada miino ee lagu soo xiro gawaarida gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ku soo badanayaan Magaalada Muqdisho, tiiyoo walaac badan ku beertay dadka reer Muqdisho.

Shalay oo ugu dambeysay qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah, ayaa ka dhacay Degmada Shibis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Anwar C/qaadir Cali oo ka mid ah dhalinyarada dalka dib ugu soo laabatay, ayaa ka sheekeeyay sida qaraxyadan looga dareemay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Anwar C/qaadir Cali, ayaa yiri “Magaalada Muqdisho waxay caan ku noqotay gaarigaaga inaad qarax ka raadiso. Qof kasta gaarigiisa ayuu hubiyaa in qarax loogu xiray iyo in kale. Qofna gaarigiisa ma kaxeysto illaa uu ka hubiyo in qarax loogu xiray iyo in kale.”

“Marka ay dadka baabuurta dhigtaan meelaha la dhigto ee Parking-nada, iskama raacaan, marka hore way foorarsadaan, si ay u xaqiijiyaan in aan wax qarax ah loogu xirin. Nolol maalmeydka Magaalada ayay ka mid noqotay.”

“Qof caadi ahow ama Dowladda u shaqey waxaa laga wada siman yahay in baabuurta la wada hubiyo, waa dareen ku wada qufulan dadka reer Muqdisho.”