Madaxweynaha Soomaaliland oo ku baaqay in la bilaabo wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland

0

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah  oo ay ka mid yihiin Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Burburku ku yimid iyo Shirarka ka socda Soomaaliya ee looga hadlayo Aayaha Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee burburku uu ku yimid islamarkaana Beesha Caalamka ay wada hadaladaasi ay dhex dhexaad ka noqoto si miro dhal looga gaaro wada-hadalada.

“Waxaan ku baaqayaa in dib loo bilaabo wada hadaladii uu hakadka ku yimid ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland,taas oo ay dan ugu jirto Labada Shicib ee Soomaaliya iyo Soomaaliland”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa Amaanay Shirarka ka socda Soomaaliya ee looga hadlayo Aayaha Soomaaliya,waxaana uu u rajeeyay  Ummadda Soomaaliyeed in ay Dhibka ka baxaan oo ay helaan Dowladd Taam ah.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hadalkan ka sheegay khubad sannadeedkii uu u jeediyay Labada aqal baarlamaan ee Somaliland.