Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u naxariistee geerida Abwaan Cali Sugule, isagoo ku tilmaamay halyeey waddani ah oo ka baxay ummadda Soomaaliyeed,

Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari, R/wasaare Cumar C/rashiid, R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Maareeyaha golaha Murtida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Allaha u naxariistee geerida Abwaan Cali Sugule.

Abwaan Cali Sugule ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeysay lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, wuxuuna ahaa waddani suugaan yahan ah oo ay in badan xusuusan doonaan ummadda Soomaaliyeed.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN