Ganacsade Caan ah oo galabta Qaraxa lagu dilay

0

Allah ha u naxariistee waxaa maanta Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ku dhintay Ganacsade Xaaji Abuukar Hiraabe Calasow oo ka mid ahaa Ganacsatada Caanka ka ah Gobolka Shabellaha Hoose.

Ganacsade Xaaji Abuukar Hiraabe Calasow ayaa la sheegay inuu ku dhintay Qarax ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,iyadoo aan la ogeyn in Gaarigiisa loogu xiray iyo inuu Qaraxu wadada ku aasnaa.

Meydka Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa la geeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo uu Abuukar Hiraabe Calasow uu ka mid ahaa Ganacsatada Caanka ka ah Gobolka Shabellaha Hoose.