Dib u dhac ku yimid Shirkii Magaalada Kismaayo iyo War Cusub oo ka soo baxay

0

Iyadoo Maanta oo isniin ah lagu balansanaa inuu qabsoomo Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ku yimid dib u dhac muddo hal maalin ah.

Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayaan in dib dhaca shirka uu ka dambeeyay, markii aanu maanta Magaalada soo gaarin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa weli laga suggayaa inay Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo dib dhacay, xilligii lagu waday inuu soo gaaro Magaalada Kismaayo.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya inay suurtagal tahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u safro Magaalada Jowhar, si uu kaga soo furo Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ka dibna uu u safro Magaaladaasi Kismaayo.

Maalinta berrito ah ayaa waxaa macquul ah inay wada furmaan Shirarka Kismaayo iyo Jowhar. Waxaana labaduba lagu wadaa in si buuxdo uu u wada furo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kismaayo waxaa wada gaaray Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyo dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira, wafuuda Beesha Caalamka ee ka qaybgelaysa shirka iyo marti sharafta lagu soo marti-qaaday inay ka soo qaybgasho.