DHAGEYSO WAREYSI : Madaxweynaha Maamulka Bakool Sarre oo ka hor yimid in ay la kulmaan Shariif Xassan Sheekh Aadan

0

Hogaamiyaha Maamulka Bakool Sare oo looga dhawaaqey Sadex degmo oo kamid ah gobalka Bakool Axmed Mashruuc ayaa si adag uga hor yimid in ay la kulmaan M/weynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, wuxuuna cadeeyey in ay u aqoonsan yihiin Shariif Xassan maamul deriskooda ah ayna dhawrayaan daris wanaag, hadii laga helo dhinaca Koonfur Galbeed.

Mar la weydiiyey hadii la xaliyo cabashadii ay ka muujinayeen maamulka Koonfur Galbeed in ay wada hadal galayaan, ayuu sheegay in aysan yeeleyn wax wada hadal ah, ayna dadka deegaanadaas go’aansadeen in ay ka tashadaan aayahooda oo ay garowsadee masuuliyada ka saaran deegaankooda.

Mr, Mashruuc wuxuu sheegay in aysan waxba shaqo ah ku laheyn dhismaha maamulkooda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in ay u arkayaan labadaas maamul kuwa ay dadkii lahaa dhisteen Bakool Sarre-na uu kuwaas la mid yahay.

Sidaas oo kale mar la weydiiyey hadda iyo qorshahooda ayuu sheegay in ay ka arrinsanayaan sidii ay u dhisan lahaayeen xarumihii maamulka, una hormarsan lahaayeen shaqadooda, iyagoo isku tashanaya qaadanaya doorkooda hogaamineed.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO