DHAGEYSO : Maamulka D.Boondheere: “Booliska Waddo xiris ayey jireen markii Hoobiyaha laga tuurayay Boondheere”

0

Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka hadleen Hoobiyayaal Khamiistii la soo dhaafay laga soo tuuray degmadooda kuna dhacday Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir,halkaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere oo Wadajir Baroor diiq ugu sameeyay maanta dadkii khamiistii ku dhintay Hoobiyayaasha ayaa ayaa waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta labada degmo.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Boondheere Axmed Max’ed Caynte oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Degmada ay ku maqnaayeen Waddo xiris markii dharaar cad Rag hubeysan ay Hoobiye ka tuurayeen Degmada Boondheere,halka Hay’adaha kale ee amniguna ay Mahsquul kale ku jireen.

Caynte waxaa uu sheegay in Dadka shacabka ah ay dadaaleen oo ay sheegeen Ragga weerarkaasi fuliyay, laakiin aysan heysan Hub ay isku difaacaan ama  ay kuala dagaallamaan kuwa Hoobiyaha ka tuurayay degmada.

Masuuliyiinta Labada maamul ayaa u tacasiyeey dadkii ku dhintay Weerarkii Khamiistii oo ay Xaafadahooda Hobiyayaal kula dhaceen.

HOOS KA DHAGEYSO :