DAAWO WAREYSI DHAMEYSTIRAN: RW Geedi oo si adag uga hadlay waxyaabo badan oo ka jira gudaha Soomaaliya

0

TV-ga SBC ee fadhigiisu  yahay magaalada Boosaaso ayaa xalay baahiyey Wareysi lala yeeshay Ra’iisulwasaarihii hore ee dawladda KMG ahayd Prof Cali Maxamed Geedi, kaas oo badankiisu xooga saarayey dhinacyada Siyaasada hadda taagan iyo arrimaha la xariira habka lagu galayo doorashada sanadkan laga filayo Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Geedi wuxuu sheegay in aysan suuragal aheyn in Soomaaliya dib loogu celiyo dagaalo Sokeeye, wuxuuna cid kasta oo talaabadaas ku fakaraysa ku sheegay in ay tahay mid aan marnaba suuragal noqon doonin.

Prof Geedi arrimaha wax laga weydiiyey waxaa kamid ah in hadii deegaan wax lagu qeybsado beelaha qaarkood aysan qaadan doonin xubnaha ay hada haystaan, isagoo taas ka jawaabayey wuxuu sheegay in uu filayo in beel kasta sida ay u degan tahay dalka ay wax u heli doonto.

In uu Musharax yahay iyo In kale doorashada 2016-ka, wuxuu ka gaabsaday in uu hada ka sii hordhaco, isagoo sheegay in marka la gaaro mudada doorashada uu go’aankiisa cadeyn doono, balse uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh in uu u tartamo Hogaanka dalka.

Raysalwasaare Geedi waxaa Wareysigan la yeeshay Wariye Maxamed Siciid Yuusuf,