DAAWO SAWIRADA: Wasaaradda Difaaca Sacuudiga oo lagu soo dhaweeyay magaalada Islamabad

0

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Muhammad Bin Salman, ayaa wuxuu galabta gaaray Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan, iyadoona uu kulamo kula leeyahay Madaxda Xukuumadda Islamabad.

Warbaahinta Pakistan, ayaa waxay qortay in labada dhinac ay ka wada hadlayaan xiisadda Sacuudiga kala dhaxeysa Iran. Sacuudiga waxaa uu taageero ka raadsanayaa Pakistan.

Pakistan waxay horaantii bishan ay si xoogan u cambaareysay tallaabada lagu gubay Safaaradda iyo Qunsuliyadda Sacuudiga ee dalka Iran.

Inkastoo Pakistan aanay weli mowqif mideysan ka qaadan xurgufta Sacuudiga iyo Iran, ayaa waxay hadana Pakistan kol hore sheegtay inay difaaci doonto Sacuudiga, haddii la soo weeraro.

Pakistan waxay cadeysay inay ka xun tahay in Iran ay fara-geliso dalka Sacuudiga, isla-markaana uu Sacuudigu xaq u leeyahay inuu maamulo arrimahiisa gudaha. Pakistan waxay markaa ku baaqday in Sacuudiga iyo Iran ay ka wada hadlaan xiisadda u dhaxeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tagey dalka Pakistan, hadana waxaa tagey Wasiirka Difaaca Sacuudiga, waxayna tani muujinaysaa saamaynta Pakistan ay Gobolka ku leedahay

DAAWO SAWIRADDA :

5318f28d a459817e cac6b195 da760f2e