BAAQ MUHIIM AH: Qof Walbaa Oo Soomaali Ah Mas’uuliyad Ayaa Kaa Saaran Dalka Iyo Dadka.

0

Maalin Wanaagsan , Qof walbaa oo Soomaali ah islamarkaana damiir leh amaba miyirkiisu taam yahay, iimaankana Alle ka qaadin WAA MAS’UUL, waxaana mas’uuliyad ka saaran tahay dalkiisa iyo dadkiisa.

Soomaaliyey been, hadal aan macno lahayn, nin boorso wata oo sheegta aqoon yahan, dhal dhalaal iyo xilalka beenta ah waa ay soo dhaaftay arinta dalkeena, dalkeeni waa la qabsaday, 2016 Soomaali hadaa nahayna waxaan nahay adoon xun oo la gumeysto qarniga 21 aad. Run sheega waa ceeb sheeg ee ogow,danta dalka iyo dadkaase ku jirta in runta la sheego, maadaama madaxdi dalka aysan ku dhiiran karin ama ku dhicin in dadka Soomaaliyeed ay runta u sheegaan.

Dalkan waxaan ka dhaxalnay Awooweyaasheen, Aabeyaasheen, waana dhulkeeni Hooyo, waana dhaxalkii Caruurteena miyey na qabataa inagoo nool oo taagan islamarkaana eegayna (daawanayna) in la qabsado islamarkaana qarniga 21 aad dalkayagi iyo dadkayagiiba la gumeysto?

Waxaan mashquul ku nayhay dhal dhalaal been ah iyo xilal tiro badan oo nuxurkoodu dhamaantood dhaafsiineyn Gudoomiye gobol, Gudoomiye degmo iyo cad quureed iyadoo la goowracayo Midnimadeena Soomaalinimo iyo Xoriyadeeni.

Xilka, Magaca, Xoolaha iyo wax alle waxii qurxan oo dhan waa deeq Alle baxsho, waxaana ay sharaf leeyihiin ama qofku si wanaagsan ugu noolaan karaa markuu XOR YAHAY. Xor ma tahay? mise sida Soomaalida badankeed aaminsan yihiin haddii, xaas, caruur, guri, gaari iyo shaqo aad haysato talaajadana kuu buuxdo xor baa tahay?

Dalkan iyo dadkan rag iyo dumar baa naftooda, maalkood iyo lixaadkooda usoo waayay inaan helno xornimadaan qaadanay 1960-kii ee walaal iskama aysan imaan, baryana kuma ay imaan nin seexdayna sooriyo looma siin ee dad halgan iyo dagaal xoogan qaaday ayaa qasab ku keenay.

Hadaadan horey u ogeyn, hadaad is dhaafin jirtay muruga maalin walba kasoo yeeraysa dalkeena, hadaa ilaashanayso dano gaar ah oo ay kula weeynaadeen danahaas gaarka kuu ah, hadaa isleedahay maxaa kaa galay iwm, ogoow in aad tahay qof gabay danihiisa dantii ugu muhiimsaneed taasoo ah dalkaaga (Dhaxalkii Caruurtaada) iyo dadkaaga, mana ay jiri karaan wax ka weyn danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo qofka Soomaali ah qabsan lahaa.

Ugu dambeyn Soomaaliyeey maanta fursad qaaliya ayaan haysanaa oo aan ku diidi karno gumeysiga, waad aragtaan aduunka boobka uu isku hayo, aduunkuna ma,ahan kii 1960-kii ee waa uu horumaray, mana nihin dad indho xiran oo caamo ah, waan ka difaacan karnaa dalkeena iyo dadkeena gumeystaha qabsaday, Soomaaliyeey ogaada waxaa jiri doonta maalin aynaan kicin karin gumeystaha qabsaday dalkeena oo aynaan diidi karin gumeysiga qurmuunkiisa, waa marka dadka iyo deegaan walbaa oo dalkeena ka mid ah 100% ay wada noqdaan kuwo u adeega gumeysiga, waxaan idin leeyahay wali nafbaa nagu jirta mana aynaan gaarin 100% ee kii sii jeedayoow soo jeeso, kii hurdayoow adna toos sidoo kalena kii adeege gumeyste ahaayoow adna usoo laabo dadkaaga. ‪

Kacdoonka #‎FREESOMALIA‬

calanka freesomalia3

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media