Abwaan Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta

0

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Dun Carbeed oo ka mid aha Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Dun Carbeed ayaa mduooyinkii ku Xanuunsanaayay isbitaal ku yaallo Dalka Imaaraadka Carabta.

Abwaan Cali Sugule Cigaal ayaa lagu daawayn jiray isbitaal ku yaala Magaalada Cujmaan (Ajman), waxaana bishii October ku booqday Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Abwaan Sugule, ayaa sameeyay heeso iyo ruwaayado badan. Heesaha uu sameeyay waxaa ku jira heeso badan oo halgankii xoriyadda dalka uu kaga qayb qaatay. Heesaha uu sameeyay ee lagu xusuusan doono waxaa ka mid ah heestii (Afqalaad Aqoontu Miyaa).

Dhowr jeer ayaa waxaa xirtay Dowladdii Militariga Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre.

Allaha u Naxariistee Abwaan Cali Sugulle Dun Carbeed waxaa uu ku dhashay degaanka Ooodweyne ee Gobolka Sool Sanadku markuu ahaa 1936kii.

Allaha u Naxariistee Abwaan Cali Sugulle Dun Carbeed ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn fanka soomaliyeed, kaalin weynna ka soo qaatay halgankii xornimada ee gumeysigii Ingiriiska.