LIVE U DHAGEYSO : Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisii Oo Ka Amba-baxay Boosaso, Una Safray Kismaayo.

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka duulay garoonka bosaso iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland oo barri uu ka furmi doono Shirka wada tashiga.

Shirka Kismaayo ka fumi doona ayaa lagu go’aamin doona nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanada 2016,horay waxaa shir noocaan oo kale ah uga furmay Muqdisho,qodobo gaarayey todobo ayaa laga soo saaray shir socday mudo sadex bari ah.

Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya iyagu in doorashada lagu saleeyo hab degmooyin, halka Koonfur galbeed iyo Gal-mudug ay rabaan in lagu saleeyo Nidaamka loo yaqaan 4.5ka,dhinacyada ayaa doonaya in mid walba la qaado argtiduu qabo, waxayna taasi keentay in laysku fahmi waayo noocaa doorasho ee Soomaaliay.

Madaxweyne Gaas oo Saxaafadda Hadal ku siiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Boosaso ayaa sheegay in kismaayo ay la tagi doonaan isaga iyo wafdigiisa, Rabitaanka Shacabka Puntland,

Shirka barri ka furmi doona Kismaayo ayaa ka duwan shirkii Muqdisho ka furmay,waxaana lagu go’aamin doona habka doorashada loo marayo, lamana oga waxyaabaha labada dhinac ay isla qaadan doonaan maadaama lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka.

DHAGEYSO CODKIISII :