DEG DEG : Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Kismaayo Gaaray

0

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Galmudug Mud. Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo oo uu ka furmi doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran, Madaxweynaha ayaa horkacaya Wafdiga isgu jira Wasiiro iyo Xildhibaanada Galmudug ah.

Wafdigan Galmudug ka socda ayaana qayb ka noqon doono wufuud kala duwan oo tan iyo saakaydii hore soo gaaraysay Magaalada Kismaayo Xurunta Gobalka Jubbada Hoose kuwaas oo ka qayb gali doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Axada beri ah ka furmi doona Magaalada Kismaayo.

Waxaana xusud in Madaxweyne Cabdikariin Wefdigiisa uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Janaraal Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid.

Waxaase jira warar hoose oo sheegaya in Gelinka danbe ee maanta ay dhici karaan wada hadalo lagu dhexdhexaadinayo Buntilaan iyo Galmudug oo Magaalada Gaalkacyo ku dagaalamay dhamaadkii Bishii Nofeenbar ee sanadkii tegey.

Imaatinka Madaxweynaha Galmudug ayaana ku soogbeegmaya xili wax yar ka dib markii ay soo caga dhigatay diyaarad siday Xildhibaano ka tirsan Barlamanka DFS iyo Ilaaladii gaarka ahayd ee Raysalwasaarada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Buntilaan ayaa isa la filayaa goordhow in uu soo gaaray Madaaerka Kismaayo.