WAR DEG DEG AH: Shil Gaari Oo Dad Badan Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa waxaa ay sheegayaan in shil gaari uu ka dhacay duleedka degmada Dhuusomareeb kaasi oo sababay dhaawaca 20 ruux oo saarnaa labo gaari oo isku dhacday.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxayna u badan yihiin caruur iyo haween la socday gaari shacab ah oo marayay duleedka degmada Dhuusomareeb.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media